Ciidanka Ethiopia oo xoog ku Qabsaday Gobolka Gedo & Madaxweyne xasan sheikh oo ka hadlay

Byomar

September 29, 2024
madaxweynaha

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waraysi uu siiyay Al-Jazeera ka shaaciyay in dowladda Itoobiya ay qabsatay garoomo iyo waddooyin muhiim ah oo ku yaalla gobolka Gedo. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidamada Itoobiya ay fara-gelin cad ku hayaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya kadib heshiiska badda ee ay la galeen Somaliland.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in ciidamadan Itoobiyaanka ah ay qabsadeen garoomada diyaaradaha ee gobolka Gedo, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo sharci-darro ah oo ka hor imaaneysa madaxbannaanida Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Itoobiya inay hub siiso maleeshiyaad ku sugan gudaha dalka, taas oo uu sheegay inay qayb ka tahay faragelinta joogtada ah ee Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu si cad u muujinayaa xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Arrintan ayaa salka ku haysa faragelinta Itoobiya ee gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo. Muddo sanado ah ayaa Itoobiya lagu eedeynayay inay dhex-dhexaadin iyo awood kusoo farogeliso arrimaha Soomaaliya, iyada oo isticmaaleysa siyaasad hubeyn iyo taageero si ay saameyn ugu yeelato gobolka.

Heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa sidoo kale dhaliyay xiisad siyaasadeed, iyada oo Somaliland ay dooneyso inay ku shaqeyso sidii dal madaxbannaan oo aan ku xirneyn dowladda Soomaaliya. Dowladda Federaalka ayaa si cad u sheegtay inaysan aqbali doonin in waddamada gobolka sida Itoobiya ay heshiisyo la galaan Somaliland iyagoo ka tallaabsanaya dowladnimada Soomaaliya.

Byomar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

wararka deg dega ah I ogeysii maya ma rabo